Maadaama uu ahaa nin aragti madaxbanaan leh, jecel in uu fikirkiisa xor u ahaado, aaminsan in siyaasadu mabda’ iyo aragti tahay, wuxuu xilka Wasiirnimo uu arkayey in uu xanibayo xoriyada fikirkiisa iyo aragtidiisa xal u helida arrimaha murugsan ee Soomaaliya. Taas ayaana keentay in uu maalmihii danbe oo idil iska gaabsado. Maanta ayaa Muqdisho lagu aasayaa Allaha u naxariisto Marxuum C/raxmaan Xoosh. Wuxuu hormuud u ahaa dhameystirka khariidaddii looga baxay xilligii kala guurka siyaasadeed ee dowladdii ku meel-gaarka ahayd 2011-12 iyo diyaarinta Dastuurka ku meel-gaarka ahaa, wuxuuna haatan gacanta ku hayey qaybo-tirka Dastuurka. Ma ahayn xaasid siyaasaseed . Wuxuu ahaa nin tawaaduc badan, qalbi fiican, bulshaawi ah, kaftan iyo sheeko badan, qunyar socod ah. Wuxuu ahaa siyaasi bidix ah oo aamisan cadaalada bulshada, xorriyada hadalka, nidaamka dimoqoraadiga, saraynta sharciga iyo ku dhaqanka Dastuurka. Danbigiisa Allaha dhaafo, naxariistii Jano Alllaha siiyo, sabar iyo iimaanna Allaha ka siiyo ehelkiisa iyo qoyskiisa iyo shacabka Soomaaliyeed intaba.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s