Madaxweynaha oo Kismaayo kusoo dhaweeyay Ra”iisul Wasaaraha XFS.

Madaxweynaha oo Kismaayo kusoo dhaweeyay Ra”iisul Wasaaraha XFS.
……………………………..

Kismaayo, 11, Maarso, 2019- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Ra”iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo.

Madaxweyne ku xigeenka labaad gudoonka Baarlamaanka xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo dadweyne kala duwan ayaa qayb ka ahaa soo dhawaynta wafdigan oo Xamar ka yimid.

Madaxweynaha iyo Ra”iisul Wasaaraha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo katirsan Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland iyadoo loo garaacay Astaanta qaranka waxaana Ra”iisul Wasaarahu uu gacan qaaday qaar kamid ah dadweynahii soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in wafdigan ay yimaadeen gurigoodii oo aanay marti ku ahayn wuxuu sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin imaatinkooda halkan.

Waxaa uu Madaxweynahu intaas ku daray in xiriirka iyo booqashada madaxda ugu saraysa DFS ay ku yartahay Dowladaha xubnaha ka ah JFS taas oo gaabis ku ahayd mudooyinkii ugu danbeeyay wada hadalo ayuu sheegay in ay dhici doonan kuwaas oo dhamaan arimaha jira lagaga hadli doono.

Madaxda ayaa loo galbiyay Magaalada Kismaayo iyadoo Aargada Kismaayo ay kula hadleen boqolaal dadweynaha Magaalada ah oo halkaas isugu soo baxay Madaxweynaha ayaa sheegay in ay tahay guul weyn oo nabadgalyada iyo Dowladnimadu ay sababeen in dadkan ay qoraxda u yimaadeen si ay u dhagaystaan madaxdooda.

Dhinaca kale Ra”iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa u mahad celiyay Dowlada iyo dadweynaha Jubbaland isagoo ku amaanay soo dhawaynta iyo marti soorka weyn ee ay u sameeyeen wafdigiisa waxaa uu sheegay in wada hadalo laga yeelanayo sidii xiriirka iyo wada shaqaynta loo xoojin lahaa.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s